Atooraha dhalinta aad u jecel yihiin Aditya Roy Kapur ayaa ciwaano waa weyn sameenayo madaama maanta dhalashadiisa tahay sidoo kalena u dabaal dagayo sanad guuradiisa 35-aad wuxuuna dhashay 16 November 1985 waana atoore door kasto sameyn karo.

Haatan waxaa lagu dhawaaqay in Aditya Roy Kapur inuu sameenayo filim Action ah oo uu isaga hogaamiye kowaad ka yahay waxaana mashruucan lagu magacaabaa Om – The Battle Within waxaana soo saarayaal ka ah Ahmed Khan iyo shirkada Zee Studio halka Kapil Verma waxaana xusid mudan in mashruucan bisha December ee nagu soo fool leh duubistiisa bilaaban doonto.

Aditya Roy Kapur ayaa sheegay in filimka Om – The Battle Within kusoo bandhigi doono Action-mo caalami ah iyo ficilo halis ah wuxuuna soo saare Ahmed Khan sheegay inuu siweyn kaga helay sida uu Aditya u matalay filimkii Malang waxaana haatan la rabaa in xidigan laga dhigo atoore dhanka Action-ka ku haboon.

Aditya Roy Kapur waxaa maalmo ka hor usoo baxay filimka Ludo oo barta Netflix laga daawaday waxayna mashruucan kasoo wada muuqdeen jilaayaasha ay ka mid yihiin Abhishek Bachchan, Rajkummar Rao, Pankaj Tripathi, Sanya Malhotra, and Fatima Sana Shaikh waxaana filimkan Director ka ah Anurag Basu waana filim qeyb qeyb kala ah sheeko ahaan balse isku xiran ayadoo Aditya la jileyso Sanya Malhotra.

Marka aan usoo laabano Aditya Roy Kapur filimkiisa cusub OM – The Battle Within waxaa la qorsheenaa in sanadka dambe la daawado sidoo kalena todobaadyada nagu soo fool leh ayaa lagu dhawaaqi doonaa jilaayasha kale ee Aditya mashruucan Action-ka ah kala soo muuqan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here