Superstar Ajay Devgn mashquul xoogan ayuu bartanka kaga jiraa wuxuu si rasmi ah shalay duubis ugu bilaabay filimkiisa Mayday oo ay la jilayaan Amitabh Bachchan iyo Rakul Pureet Singh waxaana la daawan doonaa 29 April 2022 mashruucana haatan waxaa lagu duubayaa magaalada Hyderabad ayadoo shaqadiisa ay socon doonto ilaa dabyaaqada Janaayo 2021.

Haatan Devgn aqbaar cusub oo kale ayuu taageerayaashiisa la wadaagay oo ku aadan filimkiisa weyn Maidaan in la daawan doono dabyaaqada sanadka dambe gaar ahaan 15 October 2021 waa marka ay ku beegan tahay feestada loo yaqaano Dussehra.

Filimka Maidaan wuxuu Ajay Devgn ku matalaa nolosha macalinkii hore xulka kubada cagta Hindiya leylin jiray Sayed Abul Rahim oo Hindiya guulo caan ah gaarsiiyay intii u dhaxeesay 1950 ilaa 1963 waana mashruuc Ajay Devgn waqtigiisa oo idil ku bixiyay wax badana ka bartay qiimaha ay leedahay kubada cagta.

Filimka Maidaan waxyar ayaa duubistiisa ka harsan oo dabyaaqada bisha Janaayo la amba qaadi doono sida soo saare Boney Kapoor shaaca ka qaaday waxaana shaqadiisa lagu soo gaba gabeyn doonaa magaalada Mumbai waana film weyn oo Devgn u cadaalad fali doono.

Mashruucan xiisaha badan waxaa Director ka ah Amit Sharma oo horey u sameeyay filimkii Badhaai Ho waxaana atirisho ka ah gabadha lagu magacaabo Priyamani sidoo kalena jilaayaal kala duwan oo dhalinyaro ah ayaa filimkan lagu soo caan bixin doonaa oo doorar muhiim ah ku leh cayaartooy kubada cagta cayaarto ku matalayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here