Superstar Ajay Devgn dhawaanahan wuxuu ku mashquulsanaa duubista filimkiisa weyn Maidaan ee uu macalin kubada cagta maamulo ku jilaayo si gaar ah waxaa looga hadlaa nolosha Syed Abdul Rahim macalinkii xulka kubada cagta Hindiya guulo dahabi ah gaarsiiyay 50-maadkii iyo 60-maadkii.

Ajay Devgn filimkiisa Maidaan waxaa haatan shaaca laga qaaday 27 November 2020 in la daawan doono waxaana atirisho kowaad ka ah gabadha abaal marinta National Film Awards sanadkan ku guuleesatay Keerthy Suresh oo Telugu ka tirsan balse haatan Bollywood-ka kusoo biirtay.

Filimka Maidaan duubistiisa waxay soo idlaan doontaa bisha Maarso ee sanadka dambe waxaana Director ka ah Amit Ravindernath Sharma oo sanadkii hore sameeyay filimkii hirgalay Badhaai Ho waxaana mashruucan soo saarayaal ka ah ama maal galinayaan Zee Studios, Boney Kapoor, Akash Chawla, iyo Arunava Joy Sengupta.

Dhinaca kale Ajay Devgn waxaa laga soo xigtay in dhawaan goos goos kooban laga soo bandhigi doono filimkiis weyn Tahanji: The Unsung Warrior halka goos goos dhameestiran laga soo bandhigi doono todobaadka ugu horeeyo bisha December mashruucan Saif Ali Khan laadar ka yahay waxaa tiyaatarada la saari doonaa 10 Jan 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here