Home » Wararka Maanta » Rasmi: Akshay Kumar filimkiisa Housefull 4 waxaa ku baxeyso 75 Crore oo dharka la xarinaayo iyo goobta lagu duubayo lagu diyaarinayo

Rasmi: Akshay Kumar filimkiisa Housefull 4 waxaa ku baxeyso 75 Crore oo dharka la xarinaayo iyo goobta lagu duubayo lagu diyaarinayo

Filim soo saare Sajid Nadiadwala ayaa xaqiijiyay in taxanaha caanka ah Housefull qaybtiisa 4-aad uu ka mid noqon doono aflaanta ugu qaalisan ee ebid Hindiya sameeyaan.

Sajid Nadiadwala ayaa sheegay dharka Housefull 4 sameyntiisa loo xiranaayo iyo goobta lagu guubayo una dheer tahay agabka la adeegsanayo inay 75 Crore ($11.36M).

Waa qarashkii ugu badnaa ee ku baxo labis ama goob filim lagu duubayo xitaa Baahubali labadiisa qeybood qarashkaan kuma bixin dharkiisa iyo goobta lagu duubay.

Sajid Nadiadwala wuxuu yiri “Housefull 4 waa filim shactiro midka ugu weyn ebid Hindiya sameeyaan qiyaasta hore waxay muujineysaa in 200 Crore ($$30M) ku bixi doonto filimkaan, waayo waxaan rabaa inaan la tartano filimada caalamiga ah The Avengers, Wonder Woman iyo Baahubali.”

Housefull 4 sababaha lacagaha waalida ah loo galinaayo waxaa lagu sheegay inay tahay in filimkaan sheeko ahaan isugu jiro dhacdo xiligaan ah iyo dhacdado boqolaal sano ka hor ahayd oo ay Akshay iyo kooxdiisa labada marxalad jilayaan.

Sidaa darteed Akshay iyo kooxdiisa Housefull 4 boqolaal sano ka hor markii ay noolaayeen ama jireen seefaha, dharka iyo boqortooyada ay ku noolaayeen diyaarinteeda ayaa 75 Crore kaliya ku bixi doontaa madaama la rabo in Baahubali oo kale laga dhigo filimkaan dhanka fariinta boqolaal sano ka hor ah”

Soo saare Sajid Nadiadwala wuxuu yiri “Akshay Kumar waligiis ma uusan jilin door boqortooyo oo awood bada shactiro iyo cabsina ku dheehan sidaa darteed doorkiisa waa mid uu si adag isugu diyaarin doono waxaana dhihi karaa doorkiisa waa doorkii Dharamveer+Baahubali micnaha door awood badan kaana qosol siin doono”

Housefull 4 waxaa la daawan doonaa Diwali 2019 sidoo kalena waxaana Director ka ah Sajid Khan halka Retiesh Deshmukh taxanahan marwalbo qayb ka yahay sidoo kalena Sanjay Dutt, John Abraham iyo Parinteeti Chopra ayaa wax ka jili doonaan kuwo kalena waa lagu soo dari doonaa mashruucaan lasii balaariyay lana weyneeyay.