Superstar Akshay Kumar mashquul balaaran ayuu bartanka kaga jiraa haatan wuxuu duubis ku wadaa filimka Atrangi Re oo ay la jilayaan Sara Ali Khan iyo Dhanush kadibna horaanta sanadka cusub filimka Bachchan Pandey ayuu duubis ku bilaabi doonaa oo shaqadiisa socon doonto ilaa Maarso 2021 waxaana la jilayaan Arshad Warsi, Kriti Sanon iyo Jacqueline Fernandez.

Kumar haatan aqbaar cusub ayuu taageerayaashiisa la wadaagay oo ku aadan filimkiisa cusub Ram Setu in la daawan doono Diwali 2022 sidoo kalena filimkan duubistiisa waxay bilaaban doontaa bartamaha sanadka dambe 2021 waana filim si caalami ah loo duubi doono.

Dhinaca kale Akshay Kumar wuxuu sheegay filimkiisa kale Prithviraj shaqadiisa gabo gabo ku dhow dahay sidoo kalena sanadka dambe qeybihiisa dambe waxaana maal galineyso shirkada caanka ah Yash Raj Films sidoo kalena Sanjay Dutt iyo Sonu Sood ayaa doorar muhiim ah ku leh.

Tani waxay ka dhigan tahay in Akshay Kumar sanadka dambe la imaan doono filimada kala ah BellbottomPrithvirajRaksha Bandhan, Atrangi ReSooryavanshi iyo Bachchan Pandey kuwaas oo hubaal ahaan tiyaatarada Hindiya gil gili doonaan iyo kuwa daafaha caalamka.

Inta badan filimkan waxaa lagu duubi doonaa deegaanka Ayodhya ee Hinduuga wax ku caabudaan sidoo kalena Kumar wuxuu mashruucan kaga hadlaa nolosha Ram oo ka mid ah magacyada Asnaamta Hinduugu caabudaan sheekooyinkiisa qayaaliga ah ee ku aadan guulihii Ram gaaray xili hore iyo hamiigiisii ahaa inuu Hindiya shacabkooda u sameeyo buundo weyn oo gobolo badan isku xirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here