Shirkada caanka ah ee arimaha daqliga iyo dhaqaalaha dadka caanka ah soo daabacdo Forbes ayaa si rasmi ah usoo daabacday maqaalkeedii sanadlaha ahaa oo ay kaga hadasho 100-ka shaqsi ee ugu caansan caalamka uguna daqliga badan sanadkan 2020.

Waxaa la yaab noqotay in Superstar Akshay Kumar uu noqday Hindiyaanka kaliya ama qofka kaliya ee Hindiya u dhashay ee liiskan soo galo waana markii ugu horeesay taariikh ahaan liiska 100-ka shaqsi ugu hodansan sanad walbo Forbes soo daabacdo hal qof Hindi ah kaliya soo galo madaama awal tiro badan ku yeelan jireen.

Akshay Kumar wuxuu kabsaday daqli gaarayo $48.5m (366 Crore) 120-bilood ugu dambeesay wuxuuna liiskan kaga jiraa kaalinta 52-aad asigoo hoos u dhacay 19-darajo madaama sanadkii hore kaalinta 33-aad ku jiray waxaana ugu wacan saameynta Coronavirus-ka caalamka ku yeeshay dhaqaale ahaan.

Shirkada Forbes waxay sheegtay in Kumar dhaqaale ahaan daqliga sanadlaha uu sameeyo loo dhawaan karin madaama $10m uu ka helay sameynta filimka The End ee sida Online ah loo daawan doono shirkada Amazon Prime iska leedahay weliba lacagtaan hormaris ahaan ayaa loo siiyay. Sidoo kale Akshay $13m hormaris ahaan ayuu ku qaatay filimada Bachchan Pandey iyo Bel Bottom oo uu sanadkii hore saxiixday waxa intaas u dheer 4-filim uu sameeyay 2019 guulaha lixaada leh gaareen daqliga uu ka helo, xayeysiimaha uu sameeyo iyo shirkad aflaanta maal galiso inuu iska leeyahay arimahaas oo idil waxay ka caawiyeen in daqligiisa aan loo dhawaan karin marka gudaha Hindiya la joogo.

Hambalyo Akshay Kumar atooraha ugu daqliga badan Hindiya 2020 mana jiro jilaa kale oo shaqsi kale oo caan ah oo liiska Forbes 100-ka shaqsi ugu daqliga badan soo galo sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here