Akshaye Khanna iyo Riccha Chaddha filimkooda Section 375 waxaa u suura gashay inuu tiyaatarada baaqi ku ahaado asigoo ilaa haatan soo xareeyay 9.11 Crore (Trade Figure) mudo 16 maalmood.

Section 375 oo fariintiisa siweyn loo amaanay waxaa dhexda gashteen filimada Dream Girl iyo Chchichchore balse waxaa u suura gashay inuu is celiyo ganacsi ahaan inkastoo mashruucan guul dareestay.

Filimka Section 375 Crore wuxuu xambaarsan yahay miisaaniyad ah 20 Crore sidaa darteed mashruucan Mumbai iyo Pune ganacsiga ugu badan ka sameeyay ma bad baadi doono inkastoo todobaadkiisa sedexaad uu tiyaatarada saaran yahay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Section 375 iyo mudo 16 maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 7.11 Crore

Todobaadka labaad – 1.68 Crore

Jimco sedexaad – 25 Lakh

Sabti sedexaad – 40 Lakh

Todobaadka sedexaad – 65 Lakh (mudo 2-maalmood ah)

Wadarta Guud – 9.11 Crore (Trade Figure)

F.G: Filimkan guul ayuu gaari lahaa haddii waqti firaaqo ah uu heli lahaa balse xiliga la saaray ayaa u diiiday inuu guul wacan gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here