Labada jilaa ee Bollywood-ka ka tirsan sidoo kalena aflaanta caalamiga ah sida Hollywood-ka mashaariicdooda kasoo muuqdaan Ali Fazal iyo Richa Chaddha in mudo ah xiriir adag ayaa ka dhaxeeyay waxayna dhawaan ku heshiiyeen in xiriirkooda rasmi ka dhigaan oo ay wada aqal galaan balse Coronavirus ayaa saameyn ku yeeshay guurkooda oo haatan dib loo dhigay.

Ali Fazal iyo Richa Chaddha waxaa lagu waday todobaadka ugu horeeyo bisha April inay aqal galaan sidoo kalena ay dhigtaan xaflad aroos oo lagu casuumi lahaa qaar ka mid ah jilaayaasha caalamka ugu caansan laakiin isku socod-ka dalalka caalamka oo hakad la galiyay Coronavirus awgeed waxay lamaanahan go’aan ku gaareen inay guurkooda dib u dhigaan inta xaalada caadi kaga soo laabaneyso.

Afhayeena Richa Chaddha ayaa warbaahinta u sheegay in guurkeeda bartamaha sanadkan dhici doono madaama iyada iyo jaceylkeeda Ali Fazal rabeen inay sidoo kalena socdaal ku maraan dalal kala duwan inta bisha malabka ku jiraan balse haatan midaas suura gal ahayn waxayna ka baaqdeen inay maxkamada tagaan iyaga oo qoysaskooda la socdaan si guurkooda loo diiwaan galiyo waxayna wax walbo dib ugu dhigeen in xaalada caadi kusoo laabato madaama dadka cabsi qabaan Coronavirus inuu asiibo haddii ay isku imaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here