Home » Wararka Maanta » Rasmi: Alia Bhatt iyo Ranveer Singh oo maanta duubis ku bilaabeen filimkooda Gully Boy

Rasmi: Alia Bhatt iyo Ranveer Singh oo maanta duubis ku bilaabeen filimkooda Gully Boy

Ugu dambeyntii Alia Bhatt iyo Ranveer Singh maanta ayay si rasmi ah duubis ugu bilaabeen filimkooda Gully Boy oo ay Director ka tahay Zoya Akhtar.

Filimka Gully Boy ayaa ku saabsan nolosha labada raabka wadooyinka Mumbai ku tirin jireen Divine iyo Naezy kuwaas oo riyo kala duwan u rumowday inkastoo ay halgan badan nolosha u galeen.

Alia Bhatt barteeda Twitter-ka waxay kusoo qortay “Ugu dambeyntii waa maalinta 1-aad duubista Gully Boy, waa filim qaas ah oo aan sababo badan ku doortay, nasiib wacan ii rajeeya, taageeridiina iyo jaceylkiina dunida ayay iila mid tahay”

Ranveer Singh isagana wuxuu soo dhaweeyay sawirka kowaad ee Zoya Akhtar soo bandhigtay wuxuuna leeyahay aan dadaalka sii wadno wax weyn ayaa inoo muuqdo.

Filimka Gully Boy waxaa soo saare ka ah shirkada Excell Entertainment ee Farhan Akhtar madax ka yahay waana filim la wada sugaayo oo markii ugu horeesay Ranveer iyo Alia mideeyay.