Shirkada Amazon Prime ee waqooyiga Ameerika laga leeyahay waxay si Online ah u bixisaa adeeg mada daalo oo lacag lagu daawado dhawaanahana suuqeeda waxay ku balaarisay gudaha Hindiya ayagoo helayaan aflaan Bollywood iyo Koonfur Hindiya laga leeyahay oo ay Digital ahaan hawada ugu soo fasaxayaan.

Madaama haatan Hindiya xaalad bandow ah ku jirto sidoo kalena suurta gal ahayn dhawaan in dib loo furo tiyaatarada waxay shirkada Amazon gacanta ku dhigtay 5-filim oo Koonfur Hindiya laga leeyahay kuwaas oo aan tiyaatarka laga daawan doonin balse haatan barta Amazon si Online ahaan looga daawan doono waxayna filimadaas kala yihiin.

Ponmagal Vandhal (Tamil) waxaa hogaamiye ka ah atirishada caanka ah Jyothika waxaana haatan shaaca laga qaaday in 29-ka bishan May si toos ah Amazon Prime looga daawan doono.

Penguin (Tamil/Telugu) waxaa hogaamiye ka ah atirishada caanka ah Keerthy Suresh haatana waxaa shaaca laga qaaday 19 June 2020 barta Amazon Prime laga daawan doono.

Law (Kannada) waxaa hogaamiye ka ah atirishada lagu magacaabo Ragini Chandran waxaana haatan shaaca laga qaaday in 26 June 2020 barta Amazon Prime laga daawan doono.

French Biryani (Kannada) waxaa hogaamiye ka ah Danish Sait waxaana haatan shaaca laga qaaday in 24 July 2020 laga daawan doono barta Amazon Prime Video.

Sufiyum Sujatayum (Malayalam) waxaa hogaamiyaal ka ah Jayasurya iyo Aditi Rao Hydaris dhawaan ayaa si deg deg ah shaaca looga qaadi doonaa xiliga Amazon Prime laga daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here