Irrfan Khan iyo Kareena Kapoor ayaa maalintiisa kowaad keenay 3.75 Crore ilaa 4 Crore lacago udhaxeyaan waxuuna lumiyay 60 Lakh maalintiisa koowaad xiliga dambe sababtana waa in Delhi tiyaataradeeda badankood xirnaayeen.

Ganacsiga macquulka ah ee mashruucan maalintiisa kowaad keeni lahaa waa 4.50 Crore haddii musiibada Coronavirus gudaha India ka jiri laheen balse tiyaataro badan ayaa albaabada loo laabay oo ganacsiga Filimkaan dhaawac ku noqday.

Wey adagtahay in xili hore laga hadlo Filimkaan meesha uu gaari doono sababto ah guud ahaan tiyaatarada India ayaa albaabada loo laabi doonaa maalmaha soo socdaan xitaa ganacsiga is dhex galka ah eaa la joojin doonaa maadama si weyn Virus-ka usii faafay waana la xakameyn la’yahay.

Sidaas ay tahay Angrezi Medium waxuu noqday Filimkii 9-aad ee ugu bilaawashada wanaagsan sanadkaan 2020 fadlan hoos kaga bogo 10-ka Filim ugu bilaawashada wanaagsan 2020:

1-Baaghi 3: 17.34 Crore

2-Tanhaji: 13.08 Crore

3-Love Aaj Kal: 11.47 Crore

4- Shubh Mangal Saavdhan: 8.72 Crore

5- Street Dancer 3: 8.43 Crore

6-Malang: 6.48 Crore

7-Bhoot: 4.85 Crore

8-Chhapaak: 4.46 Crore

9-Angrezi Medium: 3.85 Crore

10-Jawaano Jaaneman: 2.88 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here