Waxaa siweyn loo wada sugaayay aragtida kowaad ama kaartada kowaad filimka Gangubai Kathiawadi oo ay ku midoobeen labada awooda badan Alia Bhatt iyo Director Sanjay Leela Bhansali waxayna abuurtay hadal heyn xoogan kaartooyiinka filimkan laga soo bandhigay.

Filimka Gangubai Kathiawadi oo ay isla maal galiyeen Sanjay Leela Bhansali and Jayantilal Gada waxaa la daawan doonaa 11 Sep 2020 waxayna Alia Bhatt ku mataleysaa filimkan door gaangester ama gabbar aan nixin oo nolol halis badan ku nool dhiig baddana galeyso ayadoo fariintan uu sheegay mudane Bhansali inuu waqti badan galiyay diyaarinteeda.

Mashruucan wuxuu ku saabsan yahay sheeko dhab ah waxayna Alia Bhatt sheegtay inta shaqada filimkan socoto dhal dhalaalka iyo quruxda lagu yaqaano meel iska dhigi doonto si doorkeeda filimka Gangubai Kathiawadi u noqdo mid saameyn xoogan ku yeesho daawadayaasha marka tiyaatarada la saaro dhamaadka sanadkan.

Director Sanjay Leela Bhansali ayaa filimkan Gangubai Kathiawadi hogaaminteeda ku wareejiyay kadib markii uu ka baaqday filimkii Inshallah oo ay Salman iyo Alia wada sameyn lahaayeen madaama Sallu isaga baxay sidaa darteed Bhansali oo xushmad u haayo Alia si aysan u niyad jabin inuu haatan hogaamiye kowaad kaga dhigay filimkan weyn Gangubai Kathiawadi oo Hindiya oo idil laga wada sugaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here