2 sano kadib Filimkooda Padmaavat lamaanaha ugu shidan Bollywoodka Deepveer ayaa markale shaashada ku midoowi doonaan waliba iyagoo nin iyo xaaskiisa ah nolosha dhabta iyo Filimkaba.

Filimka 83 lagu magacaabo ayee kasoo wada muuqan doonaan lamaanaha Deepika Padukone iyo Ranver Singh balse Deepika mashruucan door yar ayee ku leedahay inkastoo doorkeeda muhiim yahay.

Waxay kujileysaa shaashada xaaska Ranver Singh kaaso jili doono doorka Kapil Dev oo kamid ahaa ciyaaryahanadii ku guuleysteen koob adduunka ciyaarta Cricket-ka sanadkii 1983 mashruuca oodhana ciyaartaas ayuu ka hadlaa.

First Look! Deepika Padukone looks like a spitting image of Romi Dev in '83

Dalka India ayaa 1983 ku guuleystay ciyaaraha Cricket-ka adduunka kooxda mashruuca aragtiyo badan ayee kasoo bandhigeen doorka Kapil iyo Cricket-kaba balse Deepika doorkeeda muuqaal ahaan maanta ayaa lasoo bandhigay waliba iyada iyo seygeeda ayaa iskala muuqanayaan kaartada.

Waxuu ka hadlaa Filimka nolosha Kapil Devi sida uu kabtanka kooxda Cricketka ku guuleysataya sanadkaan uu ku noqday iyo safarkiisa nolosha ugu dambeyna ciyaarahaha koob adduunka Cricketka ayuu xulkiisa India u qaadaa waa mashruuc in badan guul weyn laga filaayo Deepika na qarash gareyneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here