Inaba caadi ma ahan Mega Star Salman Khan filimkiisa Dabangg 3 aragtida kowaad ee laga soo bandhigay qof walbana wuxuu ka helay doorkiisa Classic ah Chulbul Pandey iyo xarakaadka cusub ee uu sameyn doono mashruucan haatan hadal heyntiisa cirka gashay.

Filimka Dabangg 3 waxaa Director ka ah Prabhu Deva halka Arbaaz Khan uu soo saare ka yahay waxaana atirisho kowaad ka ah Sonakshi Sinha sidoo kalena Superstar Kichcha Sudeepa ayaa laadar awood badan ka ah filimkan weyn.

Dabangg 3 waxaa la daawan doonaa 20-ka December 2019 waxaana lagu daawan doonaa luqadaha Hindi, Tamil, Telugu iyo Kannada waana mashruuc lagu kalsoon yahay in iskooro lixaad leh sameyn karo madaama taxanahan labadiisii qeybood hore Big Blockbuster noqdeen.

Chulbul Pandey wuu soo laabtay 7-sano kadib asigoo ka xarago badan sidii uu hore nooga yaabsaday wuxuuna markaan diyaar u yahay doorkiisa booliska hirgalay inuu nagu mada daaliyo Action dhameestiran, heeso iyo shactiro maangal ah waxaan sugnaaba waa Dabangg 3.

Fadlan hoos ka daawo muuqaal kooban oo lagu soo bandhigay xarakaadka Chulbul Pandey iyo aragtida kowaad filimka Dabangg 3 oo qof walbo sugaayo daawashadiisa:

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here