Rasmi: Aragtida kowaad filimka Sui Dhaaga Made In India iyo goos gooskiisa xiliga la daawanayo

Shirkada Yash Raj Films ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay aragtida kowaad filimka Sui Dhaaga Made In India ee hogaamiyaal ka yihiin Varun Dhawan iyo Anushka Sharma.

Sidoo kale waxaa shaaca laga qaaday in goos gooska filimka Sui Dhaaga Made In India lasoo bandhigi doono 13-ka bishan August ama Isniinta nagu soo fool leh.

Varun iyo Anushka ayaa lamaane ku matalayan filimkan harqaanlayaal ama dawaarle ah waxayna ka ganacsadaan wax soo saarka dharka gudaha Hindiya ayagoo jecel inay caalamka u suuq geeyaan wax soo saarka dharka dalkooda.

Sui Dhaaga Made In India waa fariin si wacan loo wada sugaayo sidoo kalena filimkan waxaa tiyaatarada la saari doonaa bisha dambe gaar ahaan 28 Sep 2018.

Filimkan la wada sugaayo waxaa Director ka ah Sharat Katariya oo horey u sameeyay filimkii ganacsi ahaan iyo sheeko ahaan laga wada helay Dum Laga Ke Haisha ee 2015 la daawaday.

Waxaan sugnaa waa goos gooska filimka Sui Dhaaga Made In India iyo bandhiga Varun iyo Anushka sameyn doonan nasiib wacan ayaan leenahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*