
Ranbir Kapoor Iyo Ajay Devgan ayaa markii labaad filim ku midoobi doonan iyagoo lagu xasiisto filimkii Rajneeti kaaso ka hadlaayay Arimaha Siyaasada sanadkii 2010 waxaana markan isku keenay Director ka lagu magacaabo Luv Rajan
haddaba maalmahan waxaa socotay warar xan ah kuwaaso sheegayaan in filimkan lagu soo daray atariishada lagu magacaabo Deepika Padukone taaso dhawaan la arkay iyadoo iyo Ranbir oo kasoo wada baxaya goob Studio ah
laakiin hadda waxaa si rasmi ah loo shaaciyay inay Deepika Padukone qayb ka tahay filimkan jaceylna kula wadaagi doonto saaxiibkeeda hore aktarka Ranbir Kapoor
sidoo kalena waxa filimkan qayb ka oo lagu soo daray atariishada lagu magacaabo Nushrat Bharucha taaso hore aflaamo badan kala soo shaqeesay Director Luv Rajan sida taxanaha Pyaar Ka Punchanama iyo filimka Sonu Ke Titu Ki Sweety.
Ajay Devgan ayaa filimkan waxaa uu door ahaan ku jili doona Ranbir Kapoor aabihiisa waxaana sidoo kale filimkan soo saare ka ah isla Director Luv Rajan waana arrin xiiso badan in Deepika Padukone qayb ka tahay mashruucan weyn