Genelia Deshmukh waa mid kamid ah atiriishooyinka ugu fudud ee Bollywood kujiraan xidigtana oo sido kale kasoo shaqeysay koonfur India ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inuu kudhacay caabuqa halista ah ee Covid-19.

Genella warkaan waxay sheegtay mar ay kasoo kabsatay cudurka xili ay qoraal soo dhigtay baraha bulshada iyadoo tilmaamtay in cudurka aan looga bad baadeynin afka oo la duubto iyo dadaal badan oo la sameeyo ee wax walbo sidii loogu talo galay ay kudhacayaan.

Genelia oo hadleysa waxay tiri,”waa salaamantihiin dhamaan waxaan idiin sheegaya in seddex todobaad kahor igu dhacay Coronavirus sido kale 21-maalmood u dambeysay calaamadaha cudurkaan oodhan ayaa isoo mareen waxayna ahaayen 21-maalmood ugu dhibka badneed nolosheyda.”

“Nasiib wanaag maanta ayaan ka caafimaaday oo Negative ayaan noqday markaan iska baaray waxaan kaloo idiin sheegayaa in cudurka aan looga bad baadeynin taxadar walbo la sameeyo sida afduubashada iyo wixii lamid ah qofku soo wajaho wuu kudhici hubaal ahaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here