Baaghi 3 hoos u dhac aad u weyn ayuu sameeyay todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso wuxuuna keenay 5.75 Crore sida ay shabakada BOI soo daabacday taasi oo ka dhigan mudo 10-maalmood ah inuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay lacagta nadiifka ah 92.48 Crore (Trade Figure).

Tiger iyo Shraddha filimkooda Coronavirus ayaa dhulka la galay madaama tiyaatarada Hindiya ugu waa weyn badankooda la xiray sidaa darteed waxaa filimkan kalsooni lagu qabay todobaadkiisa labaad 20 Crore inuu keeni karo kadibna labo todobaad marka uu 115 Crore ganacsigiisa gaaro HIT dhameestiran noqon doono balse hadda midaas meesha wey ka baxday.

Baaghi 3 haddii uu isaga guud Average noqdo ayuu nasiib leeyahay inkastoo gobolada Gujarat/Surashtra iyo UP uu HIT ka noqday haddana Hindiya oo idil filimkan ganacsigiisa waxaa naafeeyay Coronavirus oo dadka u diiday inay tiyaatarada soo aadaan. Waxaana uga sii dari doonto filimkan in Gujarat suuqa ugu muhiimsan ganacsi wanaagsan ka sameenayay in tiyaataradiisa maanta oo Isniin ah la xiri doono!

Fadlan hoos kaga bogo Baaghi 3 iyo mudo 10-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI waxaana ku adkaan doonto filimkan inuu 100 Crore gaaro cimri ahaantiisa haddii xaalka gudaha Hindiya sidaan sii ahaado:

Todobaadka kowaad – 86.73 Crore (rasmi)

Jimco labaad – 2.25 Crore (qiyaas)

Sabti labaad – 1.75 Crore (qiyaas)

Axad labaad – 1.75 Crore (qiyaas)

Todobaadka labaad – 5.75 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 92.48 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here