Tiger Shroff iyo Shraddha Kapoor filimkooda Baaghi 3 waxaa u suura gashay Arbacadiisa kowaad ganacsi adag inuu sameeyo wuxuuna keenay 7.25 Crore ayadoo ka dhigan 20% hoos u dhac inuu sameeyay marka lala bar bar dhigo Isniintii lacagaha uu keenay waana arin aad u wanaagsan waxayna u ahayd Arbacadiisa kowaad mashruucan inuu is celiyo wuuna ku guuleestay midaas.

Filimka Baaghi 3 haatan waxaa u suura gashay mudo lix maalmood ah inuu keeno 82 Crore sida ay shaaca ka qaaday shabakada BOI waxaana muuqato in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 87 Crore ilaa 88 Crore ganacsi u dhaxeeyo inuu sameyn doono waana ganacsi adag marka loo eego daruufaha filimkan qabsadeen xili Corono Virus laga cabsanaayo iyo waqti imtixinaad inay tahay.

Waa hubanti HIT dhameestiran inuu noqon doono Baaghi 3 waayo Jimcadan loolan adag lama kulmi doono madaama filimka masraxa ku cusub Angrezi Medium uu yahay mid reer magaalka loogu tala galay oo tiyaatarada Multiplex ka gadmi doono halka Baaghi 3 ku xoogan yahay tiyaatarada Single Screens ku xoogan sidoo kalena filim Action uu yahay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Baaghi 3 iyo mudo lix maalmood ah ganacsiga uu sameeyay sida ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 17.50 Crore

Sabti – 15.50 Crore

Axad – 19.75 Crore

Isniin – 8.75 Crore

Talaado – 13.50 Crore

Arbaco – 7.25 Crore

Wadarta Guud – 82.25 Crore ($11.08m)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here