Tiger Shroff iyo Shraddha Kapoor filimkooda Baaghi 3 waxaa ka awood badiyay Coronavirus madaama gobolo badan tiyaatarada ku yaalo gabi ahaan la xiray sidaa darteed Sabtigiisa labaad filimkan wuxuu keenay 1.75 Crore taasi oo ka dhigan mudo 9-maalmood ah inuu filimkan soo xareeyay 91 Crore (Trade Figure) sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday.

Baaghi 3 waxaa la islahaa todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso ayuu 100 Crore kaga talaabi doonaa kadibna HIT dhameestiran ayuu noqon doonaa balse haatan 100 Crore xitaa cimri ahaantiisa ma gaari doono madaama tiyaatarada badankooda la xiray sidaa darteed Average ama Semi HIT ayuu noqon doonaa balse waxay wax walbo ku xiran tahay marka ay xaalada caadi kusoo laabato.

Haddii todobaadyada nagu soo fool leh xaalka sidaan sii ahaado Baaghi 3 ganacsigiisa waa usii dhamaan doontaa balse waxaa la qabaa rajo ah labo ilaa sedex todobaad kadib tiyaatarada dib loo furo markaasna Baaghi 3 ganacsigiisa sii wato laakiin waa arin aan la hubin midaas.

Fadlan hoos kaga bogo Baaghi 3 iyo mudo 9-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 87.25 Crore (qiyaas)

Jimco labaad – 2.15 Crore

Sabti labaad – 1.75 Crore

Wadarta Guud – 91.15 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here