Filimka Baaghi 3 ayaa Weekendigiisa koowaad keenay 52.75 crore waana gamacsi macquul ah oo la aqbali karo.

Filimkaan ayaa maalintii shalay aheyd soo xareeyay 19.75 crore asigoona sare u kac fiican sameeyay maadaama uu sabtidii keenay 15.50 crore sidaas owgeed in shalay uu keenay ganacsi ku dhaw 20 crore waa arin wanaagsan.

Baaghi 3 ganacsigii laga filaayay wuxuu ka qaabiyay qiyaastii ilaa 10 crore sadaxdiisa maalin ugu horeyso waxaana ugu wacan in filimkaan tiyaatarada dakhliga badan laga helo ee Multiplexka aysan filimkaan marnaba sidii larabay loogu soo daawasho tagin kaliyana wuxuu ka socdaa tiyaatarooyinka dabaqada dhexe iyo hoose ee Single Screenska.

Baaghi 3 haatan rajo lagama qabo inuu Blockbuster ama Super Hit noqdo balse inuu Hit noqdo ayaa rajo laga qabaa waxaana caawin doonaan fasaxyada maanta iyo bari gudaha India ka jiraan.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo ganacsiga uu mudo 3 maalin sameeyay;

Jimce; 17.50 crore.

Sabti; 15.50 crore.

Axad; 19.75 crore.

Wadarta guud; 52.75 crore.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here