Filimka Baaghi 3 ayaa shalay hoos u dhac sameeyay markii lala barbardhigo ganacsigii uu sameeyay jimcadiisii koowaad wuxuuna shalay keenay 15.50 crore.

Baaghi 3 ayaa hoos u dhacay 12% markii lala barbardhigo ganacsigiisii jimcaha oo uu keenay 17.50 crore waxaana ugu wacan daawadayaasha tiyaatarka Multiplexka oo filimkaan daawashadiisa iska diideen mana ka sameynin dhankaas wax sare u kac ah maalintii shalay aheyd.

Sababta daawadayaasha Multiplexka oo ah kuwa reer magaalka filimkaan isaga diideen ayaa ah ayagoo ka cabsi qabaan cudurka Corona Virus maadaama ay dad ilbax yihiin oo reer magaal ah tiiyoo ay jirto in taxanahaan aysanba ka helin oo markii horaba siweyn uma xiiseyneynin.

Inkastoo Baaghi 3 uu shalay hoos u dhacay hadana ilaa haatan lacagaha uu mudo labo maalin keenay oo 33 crore ah waa mid la aqbali karo wuxuuna wali heystaa fasaxyada maanta oo Axad ah iyo bari oo fasax qaran gudaha India ka jiro oo hadii uu sare u kac wanaagsan sameeyo hubaal ka dhigeyso inuu Hit noqon doono.

Halkaan hoose kaga bogo Baaghi 3 iyo mudo 2 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 17.50 crore.

Sabti; 15.50 crore.

Wadarta guud; 33 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here