Xidiga caanka ah Bobby Deol wuu soo laabtay maantana isaga ayaa heesto ciwaanada Bollywood-ka kadib markii si rasmi ah shaaca looga qaaday labo filim uu hogaamiye ka yahay in si Online ah barta Internet-ka looga daawan doono waana arin xiiso badan in xidigan kusoo biiray dunida loo yaqaan Digital World oo filimada Online ahaan looga daawado madaama tiyaatarada Hindiya xiran yihiin.

Bobby Deol filimkiisa Class Of 83 ee SRK shirkadiisa Red Chellies Entertainment maal galineyso waxaa 21 bishan August si Online ah looga daawan doonaa barta Netflix waxaana Director ka ah Atul Sabharwal waana filim ka hadlaayo 80-maadkii dhibaatada burcada Hindiya ku heesay halka Bobby ku jilaayo askari mayal adag oo burcada sifeen doono.

Class Of 83 waa filim caadi ah ee taxane ama musal sal xalqooyin kala duwan leh ma ahan waxaana goos gooskiisa lasoo bandhigi doonaa maalinta berito ah ayadoo lagu kalsoon yahay in daawadayaasha siweyn kaga heli doonaan.

Filimka labaad Bobby Deol u diyaarsan waa Ashram oo isagana uu Director iyo soo saare ka yahay filim sameeyaha caanka ah Prakash Jhai waxaana mashruucan si Online ah loo daawan doonaa 28 bishan August waxaana laga daawan doonaa barta loo yaqaan MX Player iyo ZEE5.

Waxaana xusid mudan Ashram inuu Bobby ku matalaayo nolosha wadaad Hinduu ah oo muran badnaa kaasi oo xumaanta ku caan baxay sidaa darteed Bobby doorkiisa waa mid xumaan badan sidoo kalena waa waji cusub oo uusan horey u sameynin xidigan sidoo kalena filimka Ashram waa taxane ama musal sal xalqooyin kala duwan leh ayadoo sidoo kale lagu dhawaaqay in qayb labaad laga sameyn doono sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here