Home » Box Office » Rasmi: BOI oo cadeesay in Thugs Of Hindostan maalintiisa kowaad sameeyay iskoor aan lagu riyoonin!

Rasmi: BOI oo cadeesay in Thugs Of Hindostan maalintiisa kowaad sameeyay iskoor aan lagu riyoonin!

Ugu dambeyntii shabakada Boxoffice India (BOI) waxay barqadan soo daabacday in filimka Thugs Of Hindostan si rasmi ah 50 Crore (Trade Figure) ganacsi ahaan ku gaaray sidoo kalena dhamaan gobolada Hindiya uu iskooro ka sameeyay marka laga reebo Mumbai, CP Berar iyo Tamil Nadu / Kerala.

BOI waxay noqotay shabakadii ugu horeesay ee soo daabacdo ganacsiga TOH maalintiisa kowaad sameeyay xitaa shirkada Yash Raj Films oo filimkan iska leh weli ma aysan soo daabicin xog ay ku sheegeyso lacagaha filimkooda soo xareeyay taasi oo markale muujisay in BOI ay tahay isha kowaad ee ganacsiga Bollywood-ka ka run sheegto ama laga soo xigto.

Gobolada CP Berar iyo Tamil Nadu / Kerala wax iskoor cusub ah maalintiisa kowaad TOH ma uusan ka sameynin halka Mumbai weli lacagtiisa la isku dar daraayo oo si xitaan ku wado BOI taasi oo lagu ogaan karo inuu iskoor ka sameeyay balse waxay u badan tahay in Mumbai uusan iskoor ka sameynin.

TOH wuxuu 9 Crore ugu yaraan dheeraaday filimka Bahubali 2 maalintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay halka 11 Crore dheeraaday filimka Prem Ratan Dhan Payo maalintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay oo muujineyso labadii Hindiya maalinta kowaad ugu ganacsiga badnaayeen in TOH uu si waali ah kaga talaabsaday!

Waa qasab in maalintiisa labaad TOH hoos u dhac sameeyo madaama ganacsi taariikhi ah sameeyay balse waxaa caawin doono in gobolada qaar weli fasaxa Diwali ku dambeyn doono weliba gobolka muhiimka ah Gujarat shan maalmood ayuu fasaxa Diwali ka jiro oo ganacsiga TOH siweyn u caawin doonto balse waxaa laga rabaa filimkan maanta oo Jimco ah inuusan hoos u dhac weyn sameynin oo uu meel dhexe isku celiyo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka TOH ganacsiga uu gobol walbo ka sameeyay gudaha Hindiya soona daabacday shabakada BOI lacagtaan ma ahan midda rasmiga ah madaama gobolada qaar lacagta uu ka keenay weli sixitaan ku socoto oo ay ku hor qoran tahay qiyaas halka gobolada lacagtooda la saxay rasmi ku hor qoran tahay:

Mumbai – 16.25 Crore (Qiyaas)

Delhi / UP – 10.60 Crore (Qiyaas)

East Punjab – 4.90 Crore (Qiyaas)

Rajasthan – 2.91 Crore (Qiyaas)

CP Berar – 2.59 Crore (Rasmi)

CI – 1.76 Crore (Rasmi)

Nizam Andhra – 2.77 Crore (Rasmi)

Mysore – 2.88 Crore (Rasmi)

Tamil Nadu / Kerala – 70 Lakh (Qiyaas)

West Bengal – 2.10 Crore (Qiyaas)

Bihar – 1.40 Crore (Qiyaas)

Assam – 55 Lakh (Qiyaas)

Odisha – 60 Lakh (Qiyaas)

Wadarta Guud – 50.01 (Trade Figure) (Qiyaasta Xili Hore)

Hambalyo Aamir Khan Oo Noqday Superstar-ka Ugu Horeeyay Ee Filimkiisa 50 Crore Darajo Ahaan Gaaro!!!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *