Sushant Singh Rajput filimkiisa waa lama joojiyaan jimcihiisa seddexaad ganacsi adag ayuu sameeyay waxuuna keenay 3 Crore (Trade Figure) sida shabakada Box-office-ka subaxan soo daabacday.

10% ayuu hoos udhacay Chhichhore marka lala bar bardhigo khamiistii halka todobaadkii hore xiligaan oo kale uu 25% hoos udhacay waxaana u sabab ahed inuu loolan kala kulmay filimka Dream Girl oo masraxa ku cusbaa.

Balse todobaadkan aflaamtii tiyaatarada la saaray dhamaantooda hoos udhac iyo ganacsi bur bur ah ayee sameyeen waana sababta Chhichhore kaga faaideystay wadarta guudna hader waxuu marayaa 108.50 Crore.

Cimri ahaantiisa waxaa la filaa inuu 140 Crore gaari doono sido kalena uu dhaafi doono ganacsiga filimada Gully Boy oo ah filimka 9-aad sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyay iyo Badhaai Ho oo ah midka lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkaan fadlan hoos kaga bogo ganacsiga Chhichhore ee maalinlaha ah:

Todobaadka Kowaad: 66.84 Crore (Rasmi)

Todobaadka Labaad: 38.75 Crore (Qiyaas)

Jimco Seddexaad: 3 Crore

Wadarta Guud: 108.59 Crore (Trade Figure ) (Qiyaas Ahaan).

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here