Vidyut Jammwal filimkiisa Commando 3 ayaa iska wato sameynta ganacsiga wanaagsan maal maha shaqada madaama ay u suura gashay Talaadadiisa kowaad ama maalintiisa shanaad inuu keeno 3.15 Crore waana ganacsi ka ag dhow midkii uu sameeyay Isniintiisii kowaad waana arin muujineyso filimkan Action-ka ah in daawadayaasha ka heleen marba haddii maal maha shaqada si adag isku celinaayo.

Commando 3 mudo 5-maalmood ah wuxuu haatan soo xareeyay 24.65 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday halka qolyaha iska leh iyagana baahiyeen inuu filimkan soo xareeyay 24.77 Crore (Producer Figure) mudo 5-maalmood ah waana ganacsi aad isaga ag dhow labada dhinac.

Commando 3 haddii maanta oo Arbaco ah u suura gasho markale 3 Crore ganacsi ah inuu sameeyo waxay ka caawin doontaa todobaadkiisa labaad in la siiyo tiyaataro ku filan waayo Jimcadan waxaa tiyaatarada ugu badan qaybsan doonaan filimka Panipat iyo Pati Patni Aur Woh waxaan u rajeeneynaa Commando 3 inuu ganacsigiisa sii socdo inkastoo xili qaldan qolyaha iska leh masraxa saareen haddana mashruucan ganacsi heer sare ah ayuu ilaa iminka sameenayaa.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 5-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay filimka Commando 3 soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 4.75 Crore

Sabti – 5.75 Crore

Axad – 7.75 Crore

Isniin – 3.25 Crore

Talaado – 3.15 Crore

Wadarta Guud – 24.65 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here