Commando 3 ayaa la kulmay hoos udhaciisa kowaad maalintii shalay ee arbacada ahed wax lala yaabana ma ahan maadama aflaamta sanadkaan la daawaday oodhan arbacadooda kowaad hoos udhac weyn sameyeen.

Hoos udhacii shalay ee Commando 3 waxay meesha ka saartay wadadii uu HIT deg deg ah ku noqon lahaa balse taas bedelkeed waxuu udhowyahay Filim guul wacan gaaray inuu noqdo maadama todobaadkiisa kowaad ay u badan tahay inuu keeno doono 28 Crore.

Ganacsiga uu jimcadiisa labaad sameeyo ayaa laga qiyaas qaadan doona halka uu cimri ahaantiisa ganacsi ahaan ku istaagi doono sido kale tiyaatarada Commando saaran yahay waa la yareen doonaa jimco wixii ka dambeeyo maadama filimo kale masraxa la saaraayo.

Hoos kaga bogo Commando 3 iyo mudo 6 maalmood ah ganacsiga uu Box-office-ka ka sameeyay:

Jimco: 4.75 Crore

Sabti: 5.75 Crore

Axad: 7.75 Crore

Isniin: 3.25 Crore

Talaado: 3.15 Crore

Arbaco: 2.50 Crore

Wadarta Guud: 26.15 Crore

Dhanka kale Filimka Hotel Mumbai ayaa ganacsi liito sameeyay sida guudna Filimkaan ganacsigiisa waa mid hoose waxuuna marayaa hader wadarta guud 6.50 Crore waana mid guuldaro kasoo gaartay Box-office-ka India ama ganacsiga uu India ka sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here