Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa keedkeeda si rasmi ah ugu soo daabacday in filimka weyn ee taxanaha ah Dabangg 3 FLOP noqday waxayna midaan ka dhigan tahay in Megastar Salman Khan 10-sano kadib filim FLOP ah loo diiwaan galiyay.

Dabangg 3 wuxuu soo baxay 20 Dec 2019 xili Hindiya gobolada badankooda rabshao ka jireen waxaana la saaray 4550 tiyaatar asigoo cimri ahaantiisa keenay 134.79 Crore waxaana lagu qarash gareeyay 178 Crore waxayna saami ahaan qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka heleen filimkan Flop-ka noqday 67.26 Crore.

Salman Khan filimkiisii ugu dambeeyay ee FLOP noqdo wuxuu ahaa London Dreams kaasi oo tiyaatarada la saaray 30-kii October 2009 wixii markaas ka dambeeyay Mega Star-kan filimkiisa Flop ma noqonin darajo ahaan filimkiisa ugu hooseeyo Below Average ayuu noqonaayay 10-ka sano ugu dambeesay.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka sano ugu dambeesay Salman Khan filimada uu sameeyay laga soo bilaabo Veer oo 2010 soo baxay ilaa laga soo gaaro Dabangg 3 oo 2019 dhamaadkisii soo baxay:

Veer (2010) – Below Average

Dabangg (2010) – Blockbuster

Ready (2011) – Blockbuster

Bodygaurd (2011) – Blockbuster

Ek Tha Tiger (2012) – Blockbuster

Dabangg 2 (2012) – Blockbuster

Jai Hao (2014) – Semi Hit

Kick (2014) – Blockbuster

Bajrangi Bhaijaan (2015) – All Time Blockbuster

Prem Ratan Dhan Payo (2015) – Hit

Sultan (2016) – Blockbuster

Tubelight (2017) – Below Average

Tiger Zinda Hai (2017) – Blockbuster

Race 3 (2018) – Average

Bharat (2019) – Semi Hit

Dabangg (2019) – Flop

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here