Rasmi: Deadpool 2 maalinta kowaad gudaha Hindiya ganacsiga uu ka sameeyay iyo kaalintiisa uu taagan yahay

Filimka weyn ee Hollywood-ka ah kaasi oo Super Hero-ga ah Deadpool 2 ayaa bilaabasho wacan gudaha Hindiya la yimid asigoo maalintiisa kowaad keenay 9.75 Crore (Trade Figure).

Deadpool 2 wuxuu noqday filimka shanaad ee Hollywood ah kaasi oo lacagaha ugu badan maalinta kowaad soo xareeyo sida shabakada BOI soo daabacday.

Deadpool 2 labo caqabad ayuu maalintiisa kowaad la kulmay ganacsi ahaan middi waxay tahay in filimkan la siiyay shahaadada A loo yaqaan oo ah dadka qaar gaan gaarka ah kaliya daawan karaan, mida kalena waxay tahay in Ramadan lagu guda jiro sidoo kalena Muslimiin badan usoo daawasho tagin filimkaan.

Fadlan hoos kaga bogo filimada Hollywood-ka ah ee maalinta kowaad lacagaha ugu badan gudaha Hindiya kasoo xareeyeen sida shabakada BOI soo daabacday:

1. Avengers – Infinity War (2018) – 31.23 Crore

 

 

2. Fast & Furious 7 (2015) – 12.03 Crore

 

 

3. The Avengers – Age Of Ultron (2015) – 10.96 Crore

 

 

4. The Jungle Book (2016) – 10.12 Crore

 

 

5. Deadpool 2 (2018) – 9.75 Crore

 

 

6. Fast & Furious 8 (2017) – 9.57 Crore

 

 

7. Captain America (2016) – 8.46 Crore

 

 

8. Batman v Suoerman (2016) – 7.93 Crore

 

 

9. Thor : Ragnorak (2017) – 7.78 Crore

 

 

10. The Amazing Spiderman 2 (2014) – 7.48 Crore