Waxbaa ka dhacay Boxoffice-ka shalay oo Sabti ahayd madaama Ayushmann Khurrana filimkiisa Dream Girl sare u kac 70% ah sameeyay wuxuuna keenay 16 Crore ($2.25m) waxayna ka dhigan tahay mudo labo maalmood ah inuu filimkan soo xareeyay 25.50 Crore ($3.59m).

Dream Girl wuxuu noqday filimka sare kaca ugu weyn sameeyay Sabtigiisa kowaad sanadkan 2019 waxaana muuqato in sedexda maalmood ugu horeyso mashruucan 45 Crore kaga talaabi doono waana guul lixaad ah oo uu awood ahaan gaaray Ayushmann Khurrana waana markii ugu horeesay xidigan u aqoonsi ka helo gobolada fog fog sida CP Berar, CI iyo Bihar waayo markii hore aflaantiisa waxay ka gadmi jireen magaalooyinka hormarsan sida Mumbai, Delhi, Pune iyo kuwo kale.

Fadlan hoos kaga bogo Dream Girl iyo labadiisa maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 16 Crore

Wadarta Guud – 25.50 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale fadlan hoos ka eeg sedexda filim sanadkan 2019 sare u kaca ugu weyn sameeyeen Sabtigooda kowaad ayadoo Dream Girl uu hogaanka u qabtay:

Dream Girl – 70% sare u kac ayuu sameeyay Sabtigiisa kowaad

Chhichore – 68% sare u kac ayuu sameeyay Sabtigiisa kowaad

Super 30 – 53% sare u kac ayuu sameeyay Sabtigiisa kowaad.

Tani waxay ka dhigan tahay in filimka Dream Girl la hubo inuu HIT dhameestiran yahay laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis sida uu ganacsi ahaan isku celiyo ayaa xaqiijin doonto inuu Super HIT usii dalaci doono haddii todobaadkiisa labaadna si adag isku celiyo Blockbuster ayuu noqon doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here