Bollywoodka kala carar ayaa ka dhacay kadib markii uu halkaas gaaray cudurka halista ee baryahaan laga yaabanyahay misna waxba laga qaban la’yahay ee hargabka fiidmeerta ku dhaco Corona Virus.

Hadaba waxaan goor dhow idinla wadaagnay in la hakiyay duubista filimka Jersey ee uu Shahid Kapoor hogaamiyaha kayahay haatana waxaa lagu soo waramayaa in hakad la galiyay duubista jadwalka labaad ee filimka weyn ee Laal Singh Caddha.

Filimkaan ayaa jadwalkiisa koowaad waxaa lagu duubay magaalooyin badan oo waqooyi India gaar ahaan Punjab ka tirsan wuxuuna qorshaha ahaa in 100 magaalo lagu duubo balse jadwalka labaad duubistiisa hakad ayay gashay kadib markii laga cabsaday in caabuqa Corona Virus saameyn ku yeesho

Filimkaan ayaa la hakiyay mudo 12 maalmood waxaana dib loo ambo qaadi doonaa duubistiisa markii xaalka sidaan kasoo roonaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here