Home » Box Office » Rasmi: filimada 1921, Kaalakandi iyo Mukkabaaz maalintooda labaad lacagaha ay soo xareeyeen

Rasmi: filimada 1921, Kaalakandi iyo Mukkabaaz maalintooda labaad lacagaha ay soo xareeyeen

Filimka 1921 ayaa sare u kac sameeyay sabtigiisa labaad asigoo keenay 2.25 Crore (Trade Figure) wadarta guudna mudo labo maalmood uu soo xareeyay 3.75 Crore (Trade Figure).

Filimka 1921 hadii maanta oo Axad ah sidoo kale uu 40% ilaa 50% sare u kac sameeyo waxaa jiri doonto rajo ku aadan inta todobaadkan ka harsan ganacsi wacan inuu sameyn karo filimkaan Zareen Khan hogaamiye ka tahay.

Fadlan hoos kaga 1921 lacagaha uu keenay mudo labo maalmood sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Jimco – 1.50 Crore

Sabti – 2.25 Crore

Wadarta Guud – 3.75 Crore (Trade Figure)

Filimka Kaalakandi ayaa noqday mid bur buray oo Saif Ali Khan culeeska siweyn ugu sii badinaayo madaama uu maalintiisa labaad hoos u dhac sameeyay halkii uu sare u kac sameyn lahaa.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Kaalakandi mudo labo maalmood ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Jimco – 1 Crore

Sabti – 95 Lakh

Wadarta Guud – 1.95 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii filimka Mukkabaaz ayaa sare u kac sameeyay maalintiisa labaadna wuxuu keenay 1.50 Crore taasi oo ka dhigan in filimkaan uuba xili Saif Ali Khan filimkiisa wado cidlo ah kaga tagay!

Fadlan hoos kaga bogo Mukkabaaz ganacsiga uu sameeyay mudo labo maalmood ah sida BOI soo daabacday:

Jimco – 75 Lakh

Sabti – 1.50 Crore

Wadarta Guud – 2.25 Crore (Trade Figure)