Home » Box Office » Rasmi: Filimada Dhadak iyo mudo 3-todobaad ah ganacsiga uu sameeyay

Rasmi: Filimada Dhadak iyo mudo 3-todobaad ah ganacsiga uu sameeyay

Ishan Khatter iyo Janhvi Kapoor filimkooda Dhadak ayaa hoos u dhac weyn sameeyay todobaadkiisa sedexaad waxaana muuqato in ganacsigiisa dhawaan soo idlaan doono, laakiin Dhadak labadiisa todobaad ugu horeesay ayuu shaqo wacan qabsaday sidoo kalena xaqiijisay inuu HIT dhameestiran yahay.

Dhadak todobaadkiisa sedexaad wuxuu keenay 4 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan inuu 76% hoos u dhac sameeyay wuxuuna haatan soo xareeyay 72.49 Crore (Trade Figure) mudo sedex todobaad ah wadartiisa lacag ahaan.

Dhadak waxaa muuqato in cimri ahaantiisa 74 Crore ku istaagi doono waana ganacsi wacan oo ay aqoonsi fiican ku heleen labada fanka ku cusub Janhvi iyo Ishan.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 21-maalmood ah ganacsiga uu Dhadak sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 51.31 Crore

Todobaadka labaad – 17.18 Crore

Todobaadka sedexaad – 4 Crore

Wadarta Guud – 72.49 Crore (Trade Figure)