Aditya Roy Kapur, Disha Patani, Anil Kapoor iyo Kunal Khemu filimkooda Malang waxaa u suura gashay todobaadkiisa kowaad ganacsi wanaagsan inuu sameeyo wuxuuna keenay 38 Crore sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday weliba filimkan maal maha shaqada ganacsi ahaan si wanaagsan ayuu isku celiyay asigoon marnaba 3 Crore hoos kaga dhicin.

Filimka Malang wuxuu heestaa fursad walbo oo uu ku noqon karo mashruuc guuleestay madaama laga rabo 60 Crore inuu gaaro si u darajadaas u helo waana mid u sahlan balse waxaa laga rabaa laga bilaabo Jimcadiisa labaad hoos u dhac weyn inuu sameynin si uu mashruucan u gaaro yoolkiisa.

Filimka Malang waxaa caawin doonto maanta inay tahay maalinta Jaceylka aduunka waa qasab ganacsi wanaagsan inuu Jimcadiisa la imaado kadibna Sabti & Axad sii gadmo haddii todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso ganacsi ahaan 10 Crore ka talaabo filimkan wuxuu noqon doonaa mid si sahlan guul ku gaari doono inkastoo markii hore kuwa aflaanta ka faaloodaan filimkan dhaliil xoogan usoo jeediyeen laakiin daawadayaasha fariintiisa wey ka heleen.

Dhinaca kale filimka Shikara wuxuu noqday mashruuc bur buray kadib markii uu todobaadkiisa kowaad keenay 6.05 Crore (Trade Figure) mana sii socon doono oo inta badan tiyaatarada waa laga dajiyay madaama todobaadkiisa kowaadba laga daawaday shan ilaa lixa magaalo oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here