Karan Deol filimkiisa kowaad Pal Pal Dil Ke Paas ayaa ganacsi hooseeyo sameeyay todobaadkiisa kowaad wuxuuna keenay ku dhawaad 7 Crore kaliya wuxuu ka ganacsi fiicnaaday aflaanta masraxa lala saaray.

Filimka Pal Pal Dil Ke Paas masii socon doono waxayna u badan tahay cimri ahaantiisa inuu 9 Crore ku istaagi doono waana mashruuc fashilmay.

Fadlan hoos kaga bogo 7-maalmood ugu horeyso filimka PPDKP lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 1.20 Crore

Sabti – 1.55 Crore

Axad – 1.85 Crore

Isniin – 65 Lakh

Talaado – 60 Lakh

Arbaco – 55 Lakh

Khamiis – 50 Lakh

Wadarta Guud – 6.90 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Sanjay Dutt filimka uu soo saare iyo hogaamiye ka yahay Prassthanam ayaa ganacsi aad u liito sameeyay wuxuuna keenay 4.50 Crore (Trade) asigoo kaliya ku wanaagsanaa tiyaatarada Single Screens.

Prassthanam waa filim guul dareestay oo tiyaatarada badankooda laga dajiyay sida muuqatana 6 Crore ilaa 7 Crore ayuu cimri ahaantiisa ku istaagi doonaa.

Fadlan hoos kaga bogo 7-maalmood ugu horeyso filimka Prassthanam lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 80 Lakh

Sabti – 90 Lakh

Axad – 1.25 Crore

Isniin – 50 Lakh

Talaado – 40 Lakh

Arbaco – 40 Lakh

Khamiis – 35 Lakh

Wadarta Guud – 4.60 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii Sonam Kapoor filimkeeda The Zoya Factor ayaa hal todobaad ku bur buray wuxuun keenay 2.80 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato filimkan daawadayaasha iska diideen in 3 Crore cimri ahaantiisa ku istaagi doono!

Fadlan hoos kaga bogo 7-maalmood ugu horeyso filimka The Zoya Factor lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 70 Lakh

Sabti – 80 Lakh

Axad – 80 Lakh

Isniin – 15 Lakh

Talaado – 13 Lakh

Arbaco – 12 Lakh

Khamiis – 10 Lakh

Wadarta Guud – 2.80 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here