Varun Dhawan iyo Shraddha Kapoor filimkooda Street Dancer 3D maalintiisa kowaad ganacsi dhex dhexaad ah ayuu sameeyay wuxuuna keenay 9.50 Crore (Trade Figure) sida ay shaaca ka qaaday shabakada Boxoffice India (BOI) wuxuuna filimkan ganacsi ahaan ka gaabiyay 10 Crore inuu maalintiisa ku bilaawdo.

Waxaa xusid mudan filimka Street Dancer 3D maalinta kowaad waxaa ka ganacsi badan filimkii ABCD 2 oo ay Varun iyo Shraddha sameeyeen sanadii 2015 kaasi oo keenay 14.28 Crore maalintiisa kowaad waana arin niyad jab ah balse kooxda filimkan qaladka ay galeen ayaa u sabab ah waayo waxaa fiicneyd inay ABCD 3 u bixiyaan filimkan cusub halkii Street Dancer u bixin lahaayeen madaama isku fariin yihiin taasi waxay sababi lahayd maalinta kowaad inuu 10 Crore ka talaabo.

Filimka Street Dancer maalintiisa kowaad ganacsi ahaan wuxuu ku fiicnaa Mumbai iyo Koonfurta Hindiya waana labada suuq inta badan aflaanta fariinta Dance-ga xambaarsan laga soo dhaweeyo ayadoo la xasuusto filimkii Classic ahaa Disco Dancer ee Mithun hogaamiye ka aha sanadii 1982 la daawaday in ganacsigiisii 50% ka badan labadaan suuq ka sameeyay.

Filimka Street Dancer dhanka Waqooyi Hindiya ganacsi wanaagsan kama sameynin sidaa darteed waxaa laga rabaa maalintiisa labaad sare u kac xoogan inuu ka sameeyo kadibna Axada kusii darsado si sedexdiisa maalmood ugu horeyso ganacsi wanaagsan u sameeyo.

Dhinaca kale filimka Panga ee Kangana Ranaut hogaamiye ka tahay si aad u liidato ayuu ku furmay wuxuuna maalintiisa kowaad keenay 2 Crore waana arin xaqiijisay mashruucan inuusan sii socon doonin waxaana dhexda gashteen filimada Street Dancer iyo Tanhaji sidaa darteed Kangana soo dhaweyn wanaagsan lama kulmin.

Filimka Panga waa inuu 60% iyo ka badan sare u kac sameeyaa maalintiisa labaad haddii rajo laga qabo inuu bad baado waana mid aad u wanaagsan waxaana u fiicnaan laheyd filimkan maalintiisa kowaad inuu ku bilaawdo 4 Crore balse 2 Crore inuu ku bilaawday waxay ka dhigan tahay maalinta kowaad inuu ganacsi ahaan xitaa aad kaga hooseeyo Kangana filimkeedii ugu dambeeyay Judgemental Hi Kya oo isagana guul dareestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here