Superstar Ajay Devgn filimkiisa Tanhaji – The Unsung Warrior wuxuu ku socdaa todobaadkiisa lixaad inuu keeno 4.75 Crore ilaa 5 Crore madaama Isniintiisa lixaad uu filimkan keenay 50 Lakh sida shabakada BOI soo daabacday. Wuxuuna Tanhaji noqon doonaa filimka 5-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa lixaad waxaana ka lacag badnaan doonaan oo kaliya Uri – The Surgical Strike, Gadar Ek Prem katha, Badhaai Ho iyo Bahubali – The Conclusion ganacsiga todobaadka lixaad la sameeyo.

Filimka Tanhaji haatan wuxuu soo xareeyay 263.50 Crore (Trade Figure) wuxuuan 265 Crore gaari doonaa marka uu todobaadkiisa lixaad dhameesto sidoo kalena meesha lagama saari karo in filimkan cimri ahaantiisa 270 Crore gaari doono madaama uu masraxa sii saarnaan doono ilaa 3 bisha Maarso markaas oo Baaghi 3 goobta qabsan doono.

Dhinaca kale filimka Malang ee Aditya Roy Kapur hogaamiye ka yahay si wanaagsan ayuu isku celiyay Isniintiisa labaad madaama uu keenay 1.50 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in todobaadkiisa labaad uu keeni doono 12 Crore ilaa 13 Crore inta u dhaxeyso waana ganacsi wanaagsan oo ka caawin doonto 50 Crore inuu gaaro kadibna todobaadkiisa sedexaad waa inuu sii gadmaa oo uu gaaraa ilaa 55 Crore si uu AVERAGE u noqdo.

Filimka Malang ilaa iminka wuxuu soo xareeyay 47 Crore (Trade Figure) mudo 11-maalmood ah sida ay shabakada BOI soo daabacday, madaama filimka Love Aaj Kal fashilmay waxay ka dhigan tahay in filimka Malang sii gadmi doono maal maha shaqada oo xitaa todobaadkiisa sedexaad tiyaataro ku filan la siin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here