Priyanka Chopra iyo Farhan Akhtar filimkooda The Sky Is Pink ayaa ganacsi aad u liito sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso wuxuuna keenay 10.50 Crore (Trade Figure). Inkastoo filimkan Sabtigii sare u kac adag sameeyay haddana shalay oo Axad ahayd sare u kac xoogan ma sameynin waxayna ahayd maalin nasiino waana arin muujineyso mashruucan inuusan horey usii socon doonin.

Filimka The Sky Is Pink iyo mudo sedex maalmood ah ganacsiga uu sameeyay hoos kaga bogo soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) ayadoo mashruucan shan ilaa lix magaalo Hindiya ugu weyn laga daawanayo:

Jimco – 2.50 Crore

Sabti – 4 Crore

Axad – 4 Crore

Wadrata Guud – 10.50 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Joker ayaa ganacsi adag sameeyay todobadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso asigoo keenay 11.50 Crore (Trade Figure) wuxuuna ka lacag badiyay filimka The Sky Is Pink oo masraxa ku cusub waana arin muujineyso in mashruucan gudaha Hindiya ka hirgalay sidoo kalena HIT ah.

Filimka Joker mudo 12-maalmod ah wuxuu soo xareeyay 49 Crore (Trade Figure) waxaana lagu daawanayaa Af Ingiriis oo kaliya waxayna shabakada Boxoffice India (BOI) ku dhawaaqday inuu yahay filimkan Big Hit madaama hal luqad ganacsi weyn ku sameeyay iyo 500 tiyaatar in la saaray markii hore.

Fadlan hoos kaga bogo Joker iyo mudo 12-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay gudaha Hindiya soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 37.50 Crore (mudo 9-maalmood ah)

Jimco labaad – 2.50 Crore

Sabti labaad – 4.50 Crore

Axad labaad – 4.50 Crore

Todobaadka labaad – 11.50 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 49 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here