Filimka weyn 2.0 ee shirkada Tamil amd Kollywood laga leeyahay ayaa dhul weynaha China siweyn ugu fashilmay waana niyad jab lixaad leh inkastoo lagu kalsoonaa in mashruucan reer China soo dhaweyn doonaan.

Rajinikanth, Akshay Kumar iyo Amy Jackson filimkooda 2.0 ayaa todobaadka kowaad China Boxoffice ka keenay 21.28 Crore [$ 3.04 M] waana ganacsi bur bur lixaad leh ka muuqdo waayo lacagtaan maalintiisa kowaad xitaa lagama fileyn inuu keeni doono waxaa lagu kalsoonaa in maalinta kowaad $4m ilaa $6m suuqa China ka keeni doono balse midaas ma aysan dhicin.

Director Shankar filimkiisa 2.0 maalin walbo lacagaha uu suuqa China ka keenay fadlan hoos kaga bogo waa todobaad niyad jab ah oo kooxda 2.0 soo maray madaama suuqa China laga soo dhaweyn waayay mashruucooda miisaaniyada xoogan xambaarsan:

Khamiis – Hordhaca maalin barkeeda la daawaday – 0.21 Cr [$ 0.03 M]

Jimco – 9.59 Cr [$ 1.37 M], 61,000 oo shaashad ayaa la saaray

Sabti – 5.18 Cr [$ 0.74 M], 31,000 shaashad ayaa la saaray.

Axad – 2.94 Cr [$ 0.42 M], 27,000 shaashad ayaa la saaray

Isniin – 1.19 Cr [$ 0.17 M], 22,000 shaashad ayaa la saaray

Talaado – 1.12 Cr [$ 0.16 M], 19,000 shaashad ayaa la saaray

Arbaco – 0.77 Cr [$ 0.11 M], 18,000 shaashad ayaa la saaray

Khamiis – 0.28 Cr [$ 0.04 M], 5,000 shaashad ayaa la saaray

Wadarta Guud Todobaadka Kowaad – 21.28 Crore [$ 3.04 M]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here