Waan ka xunahay Irrfan Khan iyo Kareena Kapoor Khan filimkooda Angrezi Medium ganacsi aad u liito ayuu sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso wuxuuna keenay 9 Crore sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waxaana filimkan dhibaato xoogan ku yeeshay Coronavirus oo sababay in tiyaatarada ugu badan la xiro dadkana looga digay inaysan isku imaanin.

Haatan filimkan waxaa laga daawanayaa oo kaliya qeybo ka mid ah Maharashtra, UP, Haryana, West Bengal, Chandigarh iyo Tamil Nadu balse iyagana waa qasab in tiyaatarada ku yaalo deeganadan in la xiri doono maal maha nagu soo fool leh madaama xaalka gudaha Hindiya sii xumaanayo.

Ma jirto fursad uu filimkan ku bad baadi karo sidaa darteed kooxda mashruucan iska leh waxay rabaan marka uu xaalka caadi noqdo in tiyaatarada dib ugu soo celiyaan si uu ganacsigiisa usii wato balse waa arin adag filim la daawaday mar labaad masraxa lagu soo celiyo inuu ganacsi muuqdo sameeyo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Angrezi Medium mudo 3-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 4 Crore

Sabti – 2.75 Crore

Axad – 2.25 Crore

Wadarta Guud – 9 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here