Irrfan Khan iyo Kareena Kapoor Khan filimkooda Angrezi Medium shalay oo Isniin ahayd waxaa laga daawaday tiyaataro ku yaalo deeganada Maharashtra, UP, Haryana, West Bengal, Chandigarh iyo Tamil Nadu oo weliba dad aad u kooban soo aadeen cabsida Hindiya kusii badaneyso awgeed.

Sidaa darteed filimka Angrezi Medium dhulka ayuu sii galay kadib markii 35 Lakh uu keenay Isniintiisa kowaad waxayna ka dhigan tahay haatan mudo afar maalmood ah inuu soo xareeyay 9.35 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waxayna ka dhigan tahay laga bilaabo maanta oo Talaado ah in filimkan masraxa laga dajin doono madaama dhamaan tiyaatarada Hindiya la wada xiraayo ilaa dhamaadka bishaan ayay xirnaan doonaan.

Waxay u badan tahay in filimka Angrezi Medium masraxa lagu soo celin doono marka tiyaatarada dib loo furo 14-cisho kadib balse markaasna waa mar wax walbo soo idlaadeen ileen filim la daawaday haddii masraxa lagu soo celiyo ma gadmi karo madaama fagtii hore gaabis ku bilaawday.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Angrezi Medium iyo ganacsiga uu sameeyay mudo afar maalmood ah soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 4 Crore

Sabti – 2.75 Crore

Axad – 2.25 Crore

Isniin – 35 Lakh

Wadarta Guud – 9.35 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here