Waan ka xunahay Irrfan Khan iyo Kareena Kapoor Khan filimkooda Angrezi Medium hoos u dhac ayuu sameeyay maaliintiisa labaad ama sabtigiisa kowaad wuxuuna keenay 2.75 Crore asigoo soo xareeyay mudo labo maalmood ah 6.60 Crore (Trade Figure) sida ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI).

Filimkan wuu fashilmaa hubanti ahaan waa fiicneyd in la baajiyo Khamiistii marka lagu dhawaaqay in tiyaatarada Delhi la xiraayo balse waxay ahayd xili Gulf-ka laga daawaday oo aan la baajin karin haatana talo faraha wey ka baxday madaama gobolada badankooda tiyaatarada ku yaalo albaabada la isugu dhuftay.

Filimka Angrezi Medium ma heesto waqti ku filan xitaa la yaab ma noqon doonto haddii maanta oo Axad ah ayadoo maalin nasiino gudaha Hindiya ka ah in ganacsigiisa hoos usii dhaco madaama tiyaatarada la xiray sidoo kalena cabsi xoogan dadka qabaan in Coronavirus ku dhaco haddii ay soo aadaan shineemooyinka yar yar ee weli furan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Angrezi Medium iyo mudo labo maalmood ah ganacsiga niyad jabka ka muuqdo ee uu soo sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 3.85 Crore

Sabti – 2.75 Crore

Wadarta Guud – 6.60 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here