Home » Box Office » Rasmi: Filimka Aravindha Sametha maalinta kowaad dhul weynaha Telugu wuxuu ka sameeyay iskoor aan midka Baahubali ahayn!

Rasmi: Filimka Aravindha Sametha maalinta kowaad dhul weynaha Telugu wuxuu ka sameeyay iskoor aan midka Baahubali ahayn!

Sidii la filaayay si ka weyn ayaa dhacday madaama Tarak ama NTR filimkiisa Aravindha Sametha iskoor taariikhi ah ganacsi ahaan ka sameeyay dhul weynaha Telugu maalintiisa kowaad wuxuuna la yimid iskoor aan midka Baahubali ahayn (Non Baahubali Record).

Filimka Aravindha Sametha ayaa maalinta kowaad dhul weynaha Telugu AP/Nizam ka keenay 38.30 Crore sidoo kalena saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 26.60 Crore.

Filimka Aravindha Sametha saamiga maalinta kowaad laga helay 26.60 Crore dhul weynaha Telugu oo kaliya waxaa taariikh ahaan ka bilaabasho wanaagsan Baahubali 2 oo maalinta kowaad laga helay 42.87 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo NTR filimkiisa Aravindha Sametha iyo magaalo walbo Telugu ka tirsan maalinta kowaad lacagaha uu ka keenay iyo saamiga laga helay sida ay soo daabacday shabakada Andhara Boxoffice:

Nizam wuxuu ka keenay 9.30 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 5.70 Crore#

Vizag saami ahaan waxaa laga helay 3.12 Crore

East saami ahaan waxaa laga helay 2.78 Crore

West saami ahaan waxaa laga helay 2.37 Crore

Krishna saami ahaan waxaa laga helay 1.98 Crore#

Guntur saami ahaan waxaa laga helay 4.14 Crore#

Nellore saami ahaan waxaa laga helay 1.06 Crore

Gobolka Andhra wuxuu ka keenay 22.50 Crore, saamiga ahaan waxaa laga helay 15.45 Crore

Gobolka Ceeded wuxuu ka keenay 6.50 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 6.50 Crore

Nizam+Andhra wuxuu ka keenay wadarta guud, 38.30 Crore, Saamiga Guud Laga Helay 26.60 Crore

F.G: Calaamada # waxay tilmaameysaa iskoor aan Baahubali ahayn inuu ka sameeyay magaalooyinka iyo gobolada ugu waa weyn dhul weynaha Telugu.

Shabakada Filimside Waxay Leedahay Hambalyo Tarak iyo Gusha Aad Gaarteen Adiga iyo kooxda filimkaaga Aravindha Sametha…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *