Rasmi: filimka Baaghi 2 iyo mudo sedex todobaad ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 2 ayaa keenay 10.50 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa sedexaad taasi oo ka dhigtay wadarta guud inuu soo xareeyay 154 Crore (Trade Figure) mudo 21-maalmood.

Baaghi 2 waa filimka 19-aad ee lacagaha ugu badan ebid soo xareeyo mana dhaafi doono darajadaan madaama filimka 18-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo uu yahay Krrish 3 kaasi oo sanadii 2013 keenay 175 Crore waana darajo uusan Baaghi 2 gaari karin.

Baaghi 2 wuxuu noqday filimka lacagaha ugu badan kasoo xareeyo gobolada Bihar, Assam, Odisha iyo Rajasthan sanadkaan 2018 waana guul lixaad leh oo Tiger Shroff gaaray.

Fadlan hoos kaga bogo Baaghi 2 iyo ganacsiga uu sameeyay mudo sedex todobaad ah:

Todobaadka kowaad – 110.81 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 32.74 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 10.50 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 154.05 Crore (Trade Figure)

Baaghi 2 wuxuu awoodi doonaa 4 Crore ilaa 5 Crore ganacsi ahaan inuu kusoo darsado taasi oo gaarsiin karto ilaa 160 Crore cimri ahaantiisa.