Rasmi: filimka Baaghi 2 iyo todobaadkiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Filimka Baaghi 2 ayaa qarka u saaran inuu 150 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyo madaama uu todobaadkiisa labaad keenay 32.50 Crore (Trade Figure).

Baaghi 2 mudo labo todobaad ah wuxuu keenay 143.31 Crore (Trade Figure) wadar ahaan sida shabakada BOI soo daabacday wuxuuna ku socdaa sidii uu darajada Blockbuster ku gaari lahaa.

Waxaa cajiib ah in Baaghi 2 Mumbai iyo hareeraheeda uu kasoo xareeyay 40 Crore halka Delhi/UP uu ka keenay 30 Crore waana lacago aad u badan oo xiliyada fasaxa filimada waa weyn halkaas kasoo xareeyaan.

Fadlan hoos kaga bogo Baaghi 2 ganacsiga uu sameeyay mudo labo todobaad ah sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 110.81 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 32.50 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 143.31 Crore (Trade Figure)

Baaghi 2 jimcadiisa sedexaad sida uu ku bilaawdo ayaa laga cabir qaadan doonaa in ganacsigiisa cimri ahan 160 Crore gaari karo waana mashruuc guul lixaad leh gaaray awooda Tiger Shroff-na si waali ah sare ugu qaaday.