Home » Baaghi 2 » Rasmi: filimka Baaghi 2 oo 150 Crore soo xareeyay mudo 17-maalmood

Rasmi: filimka Baaghi 2 oo 150 Crore soo xareeyay mudo 17-maalmood

Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 2 ayaa darajo cusub ku talaabsaday madaama uu 150 Crore kusoo xareeyay mudo 17-maalmood ah waana filimka 19-aad ee darajadaan gaaro.

Baaghi 2 wuxuu ku socdaa cimri ahaantiisa inuu 160 Crore gaaro madaama aysan jirin aflaan loolan adag galin karaan filimkan kaliya filimka Hollywood-ka ah Infinity War oo 27 bishan la daawan doono ayaa Baaghi 2 ganacsigiisa hoos u dhigi karo.

Fadlan hoos kaga bogo Baaghi 2 iyo mudo 17-maalmood ah ganacsiga uu soo xareeyay sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 110.81 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 32.74 Crore (Rasmi)

Jimco sedexaad – 1.50 Crore (Qiyaas)

Sabti sedexaad – 2.25 Crore (Qiyaas)

Axad sedexaad – 3 Crore (Qiyaas)

Todobaadka sedexaad – 6.75 Crore (mudo 3-maalmood)

Wadarta Guud – 150.30 Crore (Trade Figure)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *