Tiger Shroff Filimkiisa Baaghi 3 ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay maalintiisa kowaad waxuuna keenay 17.50 Crore (Trade Figure) waxuuna sidaas ku noqday Filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo 2020 maalinta kowaad isagoo ay waliba heysato caqabado sida in Hindiya uu ku faafay cudurka Corona Virus halka tikitkiisa khamiistii dadka hormaris uhaan u iibsadeen ay yaraayen.

Hubaal ahaan 20 Crore wuu dhaafi lahaa ganacsiga maalintiisa kowaad haddii caqabado jiri laheen sido kale waa Filimka sanadkaan shaashadaha ugu badan laga daawaday maadama la saaray 4300 shaashad xitaa gobolka Tamil Nadu ayuu tiyaataro fiican ka helay halkaasna sifiican loogama soo dhaweyn jirin aflaamta Bollywoodka.

Filimkaan waxuu kuwacnaa shalay Gujarat, CP Berar, Bihar iyo Odish halka Delhi, Punjab iyo Mumbai ganacsi dhex dhexaad ah uu ka sameeyay balse maanta iyo wixii ka dambeya inuu halkaas sare ukac ka sameeyo ayaa la filaa maadama feestada Holi jirto.

Feestada Holi xitaa inee dadka isku soo bax sameeyn doonin ayee u badantahay sababto ah Corona Virus ayaa si weyn u faafaayo laakiin saas eetahay ilaa arbacada feestada wey socon doontaa midaasna Baaghi 3 fursad weyn ayee utahay.

Hoos kaga bogo taxanaha Baaghi maalinta kowaad mid walba lacagaha uu keenay iyo shaashadaha laga daawaday:

Baaghi-11.93 Crore (2750 shaashad ayaa laga daawaday)

Baaghi 2 (2018)-25 Crore (3500 shaashad ayaa laga daawaday)

Baaghi 3 (2020)-17.50 Crore (4300 shaashad ayaa laga daawaday).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here