Baaghi 3 oo ay hogaamiyaal ka yihiin Tiger Shroff iyo Shraddha Kapoor waxaa u suura gashay todobaadkiisa kowaad ganacsi wanaagsan inuu sameeyo wuxuuna keenay 87 Crore sida ay shaaca ka qaaday shabakada Boxoffice India (BOI) waxaana ganacsiga filimkan caawiyay fasixii Holi iyo asigoo si adag kaga gadmay tiyaatarada Single Screens.

Baaghi 3 daruufaha kala duwan ee qabsadeen wuu ka gudbay wuxuuna noqday filimka labaad ee sanadkan si rasmi ah u guuleesto kadib filimkii Tanhaji sidoo kalena haddii Baaghi 3 Jimcadiisa labaad ganacsi ahaan is celiyo hubanti ahaan wuxuu noqon doonaa HIT dhameestiran waana arin lagu kalsoon yahay inuu sameyn karo.

Balse shabakada BOI waxay shaaca ka qaaday in filimkan caqabad hor leh kusoo baxday oo ganacsigiisa hoos u dhigi karto madaama gobolada qaar maamulkooda ku dhawaaqeen in tiyaatarada la xiray gabi ahaanba waxaana goboladaas ka mid ah Delhi, Jammu iyo Kerala si Coronavirus-ka Hindiya ka dilaacay usii badanin.

Fadlan hoos kaga bogo Baaghi 3 iyo 7-maalmood ugu horeesay ganacsiga uu sameeya soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 17.50 Crore

Sabti – 15.50 Crore

Axad – 19.75 Crore

Isniin – 8.75 Crore

Talaado – 13.50 Crore

Arbaco – 7.50 Crore

Khamiis – 4.75 Crore

Wadarta Guud – 87.25 Crore ($11.78m)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here