Will Smith iyo Martin Lawerance filimkooda Action-ka ah ee fariinta booliska xambaarsan Bad Boys For Life ayaa gudaha USA Boxoffice heesto wuxuuna keenay $8.92m Jimcadiisa waxaana xusid mudan inuu hogaanka u haay aflaanta masraxa saaran.

Filimka Bad Boys For Life haatan wadarta guud mudo 8-maalmood ah USA Boxoffice wuxuu kasoo xareeyay $95.56m waxayna shirkada Sony guda gashay helista macaash muuqdo madaama $90m ay ku qarash gareeyeen mana kusii jirto lacagaha uu daafaha caalamka kasoo xareenayo.

Filimka Bad Boys 3 haatan wuxuu soo xareeyay ganacsi dibad iyo dal la isku daray $134.50m waxaana muuqato mashruucan in ganacsigiisa sii karaar qaadan doono gudaha Mareekanka iyo daafaha caalamka madaama fariintiisa siweyn loo amaanayo qaabka loo dhigay.

Haddii aan usoo laabano gudaha USA Boxoffice filimka Bad Boys For Life waxaa lagu kalsoon yahay todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso inuu soo xareen doono $28.8m qiyaas ahaan sidoo kalena mudo 10-maalmood ah inuu USA Boxoffice kasoo xareen karto wadarta $115m ayaa lagu kalsoon yahay filimkan hirgalay waxayna ka dhignaan doontaa kaliya 54% hoos u dhac inuu sameyn doono todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso ganacsigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here