Will Smith iyo Martin Lawerance filimkooda Bad Boys For Life ayaa HIT noqday kadib markii todobaadkiisa kowaad gudaha Mareekanka uu kasoo xareeyay $86.64m waxaana laga daawaday 3,775 tiyaatar taasi oo ka dhigan cel celis ahaan halkii tiyaatar inuu kasoo xareeyay $22,952 wuxuuna ku dhameesatay kaalinta kowaad USA Boxoffice todobaadkiisa kowaad.

Filimka Bad Boys For Life 7-maalmood ugu horeyso gudaha USA Boxoffice maalin walbo ganacsiga uu ka sameenayay fadlan hoos kaga bogo:

Jimco – $23.60m

Sabti – 21.71m

Axad – $17.18m

Isniin – $10.52m (Fasixii maalinta Marin Luther King Jr.)

Talaado – $6.42m

Arbaco – $3.67m

Khamiis – $3.51m

Wadarta Guud – $86.64m

Dhinaca kale filimka Bad Boys 3 wuxuu suuqyada caalamka ilaa iminka ka keenay $38.96m taasi oo ka dhigan mashruucan hir galay todobaadkiisa kowaad ganacsigiisa dibad iyo dal inuu soo xareeyay $125.60m waxayna shirkada Sony filimkan ku maal galisay $90m.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here